Tuesday April 15, 2025
By Farah Muhumed Hirane

Kooxda Al-Shabaab (AS) waa cadowga ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Ma ahan koox u taagan dan Soomaaliyeed, mana jirto meel ay kasoo gasho diinta Islaamka waxa aay u dagaalamayan . Sidaas darteed, ma habboona in dagaalka lagula jiro kooxdaasi loo arko mid gaar u ah beel ama deegaan keliyah.
In Kooxda AS lala dagaalamo waxa ay soo bilabatay waqti aan dhaweeyn , waxa uu ahay dagaal soo maray marxaladda iyo heerar kala duwan, iyo Doowladda is xig xigay . waxaan dhihi karaa qola walba dagaalka meel ayeey keentay , waloow waqti dhexe dagaalkii kooxda lagula jiray iyo siyaasadii dalka ay isku dhex milmeen .
Sanadkii 2022, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah AS, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan dagaalkaas.
Baaqii Madaxweynaha waxaa si degdeg ah uga jawaabay beesha Xawaadle ee dagan Gobolka Hiiraan, waxayna si geesinimo leh u galeen dagaal culus oo lagula jiray kooxda AS. Wax walba aay awoodaan weey iskugun geeyen si kooxda arxanka daran uga saran deeganada ay beesha dagto.
Dagaalkaasi wuxuu sababay khasaaro badan oo isugu jiray dhimasho, dhaawac, burbur hantiyadeed iyo barakac ballaaran. Si kastaba, guulo muhiim ah ayaa laga gaaray, waxaana laga xoreeyay magaalooyin muhiim u ahaa kooxda, dhaqaala iyo istaraatiiji ahaanba.
Intaa kadib ,waxa jiray hakad soo galay dagaalkii , mudda ku dhaw laba sano. labadaas sana gudahood kooxda waxa aay sameeysay in ay dib usoo saxdao qaladaadkii aay ka barteen dagaaladii looga soo saray meela badan oo kamid ah gobalada dhexe ,Hiiran iyo shabellada dhexe. Waxa in laxusa mudan in wajigii koobad ee ladagaalkan kooxda AS , uu ahay mid loowada dhamaay dhamaan Gobalada dalka , sidaasina ay kooxda u awoodi waayeen in ay isku gurmadaan .
Hadaba Laba sana kadib kooxda waxa aay weeraro iskugu jiro gaadmo iyo xeelada cusub kusoo qaaday goobihii laga saaray laba sana ka hor . nasiib daro dagaalkii waxa uu u ekaaday mid u kali noqday hal beel oo ah beesha xawaadle , oo looga dhigay mashruuca
kaliyah ee aay beesha ku leedahay Doowlada dhexe in uu yahay ladagaalanka kooxda AS , taasi oo u sameeysay waji kaduwan wajigii hore in uu dagaalka yeesho , sababtaynna in kooxda laga saari waayo goobihii aay dib u qabsadeen ama aan dhaho aay adkaatay in la durjin waayo , tusaala waxa inoogu filan” aboorey , beera yabaal iyo gooba kale ee ka tirsan gobalka Hiiraan.
Hadaba su’ashu waxa ay tahay ladagaalanka kooxda ma mashqruuc loogu talaga hal qabiilaa mise waa mashruuc qaran ? marka loo eego sida aay hada wax u socdaan , sida hadda majirto gooba kale kooxda dagaal uga furan yahay marka loo eego , wajigii koobad ee dagaalka , taasi oo kooxda u sahashay in ay gurmad ka helaan magaaloyinka aay dagan yihiin. Sidoo kale kooxda waxa u fududaatay isku socodka masaafada dheer.
Intaa hadi an isla fahan , aan kula wadaago caqabadaha hada jiro shanta kamid ah iyo xalka halka uu inaga jiro.
Caqabadaha Jira:
1. Dagaalka oo noqday mid hal beel/Gobal mashruuc looga dhigay : Dagaalka AS lagula jiro wuxuu u muuqday mid si gaar ah loogu eegtay beesha Xawaadle, taasoo keentay in culayska dagaalka uu saarnaado hal qabiil ama hal Deegaan . 2. Xeeladaha cusub ee AS: Kooxdu waxay dib u qaabeeysay istaraatiijiyadeeda dagaal kadib guul-darradii wajigii koobaad .
3. La’aanta isku-duubni qaran: Ma jiro qorshe mideeysan oo qaran oo lagu wajahayo kooxda.
4. Dagaal aan joogto ahayn: Kadib guushii hore, dagaalkii wuu hakaday muddo labo sano ah, taas oo fursad weeyn u siiday in kooxda aay tababaro joogta ah usoo xirto ciidan tira beel ah .
5. Kooxda oo fahantay isticmaalka Baraha bulshada: AS maalmihii lasoo dhafay waxa aaay warbaahindooda kusoo daabacayeen warar qalqal galinaa shacabka , sidoo kale waxa aay badaleen habkii ay ula macaamili jireen beelaha Soomaliyed labadii sane ee lasoo dhaafay .
Xalka Lagu Heli Karo:
1. Dagaalka ha noqdo mid Qaran, aan Qabiil ku saleysneyn: Waa in dowladdu hoggaan buuxa ka qaadato dagaalka.
2. Qorshe mideeysan oo amni iyo istiraatiiji dagaal : In la sameeyo qorshe qaran oo mideeysan oo ku wajahan ladagaalanka AS oo ah mid dhab ah.
3. Taageero buuxda oo ciidan, dhaqaale, iyo maskaxeed: Beelaha dagaalka galay waa in la taageero si buuxda.
4. Wacyigelin iyo mideeynta shacabka: Bulshada Soomaaliyeed meel walba ha laga wacyigeliyo khatarta AS , si kooxda ay u waayso garabka bulshada . 5. Ka hortagga fikirka xagjirka ah: In la sameeyo barnaamijyo waxbarasho iyo wacyigelin , goobaha kooxda lagala wareegay .
Gabagabo:
Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab waa mas’uuliyad qaran oo u baahan wadajir, isku-duubni, iyo hoggaan mideeysan. Ma aha dagaal beel ama Gobal gaar ah lagu aamini karo. Haddii si qabiil ah loo wajaho, AS waxay helayaan fursado ay ku sii xoogeysan karaan . Waxaa la joogaa waqtigii doowladda, shacabka, iyo beelaha Soomaaliyeed oo dhan ay garwaaqsan lahaayeen in kooxdan laga adkaan karo kaliya haddii si mideeysan loo wajaho.
Qore:
Farah Muhumed Hirane
Lataliye dhanka Nabada&Amniga.
E-mail: Frhlamaane@gmail.com
Personal Blog: frhlamaane.wixsite.com/website/post/